Ururka Soyda Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 120 Arday Oo Dhamaystay Xirfado Kale Duwan Iyo Waxbarashada Aas Aasiga Ah+Sawiro

Tuesday December 19, 2017 - 09:37:15 in Latest News by Abdirasaq Gooth Nuur
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Soyda Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 120 Arday Oo Dhamaystay Xirfado Kale Duwan Iyo Waxbarashada Aas Aasiga Ah+Sawiro

    Ururka Soyda Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 120 Arday Oo Dhamaystay Xirfado Kale Duwan Iyo Waxbarashada Aas Aasiga Ah+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Soyda Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 120 Arday Oo Dhamaystay Xirfado Kale Duwan Iyo Waxbarashada Aas Aasiga Ah+Sawiro

Hargeysa(HWN):-Ururka Soyda ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey arday tiradoodu gaadhayso 120 arday kuwaas oo bartay xirfadaha kala duwan ee dawaarka, xinaha, sida dharka loo sameey iyo arday baratay akhriska iyo qoraalka afka soomaaliga.

Ardaydan oo munaasibada qalin jabintooda loogu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Sonyo ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada iyo masuuliyiinta ururka Soyda iyo xubno kale.

Agaasimaha mashaariicda ardaydan wax lagu baray ee Ururka Soyda Faysa Aw Cali Yuusuf oo ugu horayn ka hadashay munaasibadan ayaa ka war bixisay xirfadaha kala duwan ee ay ardaydani barteen waxaanay tidhi "Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay qalin jabinta ardaydan iyada oo natiijadii waxbarashada aad soo qaadanayseen sagaalkii bilood ee u dambeeyey aynu maanta halka u fadhino, kooxdan ardayda ah ee maanta qalin jabinaysaa waxay barteen xirfado kale duwan oo muhiim ah iyada oo qayb ka mid ahi barteen xirfada dawaarka, xirfada qurxinta ee koofeerada iyo xirfada ah in dharka la midabeeyo, sidoo kale qayb kale ayaa bartay xisaabta, soomaaliga iyo waxbarashada aas aasiga ah, dufcadana waa tii sadexaad ee ka qalin jabisa waxbarashada Ururka Soyda, waxaanan bilaabi doonaa dufcadii afaraad, ardayda kaalmaha sare ka gasha waxbarashada aas aasiga ah ayaanu siinaa waxbarashada kale ee xirfadaha, ardaydana waxay waxbarashada soo wadeen laba sanadood oo dhadhaw, oo sanadkii hore waxay soo barteen waxbarashada aas aasiga ah sanadkii dambena waxay baranayeen xirfadaha kala duwan.” Ayey

Agaasime Faysa oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay waxyaabaha ay ardaydan ka filayaan waxaanay tidhi "Ardaydani waa qaar aanu aad ugu kalsoonahay wax badan ayaanay ka badalayaan noloshooda iyo ta qoysaskooda, waxaanan xirfadaha u barnaa inay ku dabaraan noloshooda iyo qoyskooda, waanan hubaa inay ardaydani xirfadahan ay leeyihiin ku shaqaysan doonaan, iyaga oo qaar ka mid ahi ay ku shaqaysteen, wixii fursado ah ee aanu u helno ee ka caawinaya inay ardaydaasi iskood isku taagaan oo ay shaqaystaan waanu la garab istaagaynaa.”

Agaasimaha waxbarashada dadban ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland Muuse Maxamed Shide oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay faa,iidada ay aqoontu leedahay waxaanu yidhi "Aqoontu qofka waxbay ka badashaa oo isbadal ayey ku ridaa, waxaanay ka hor istaagtaa isticmaaro badan oo ay ka mid yihiin jaahilnimadu, faqiirnimada, balwadaha iyo qabyaalada, qofkuna marka uu aqoon leeyahay waa qof iyo qof labaad, waxbarashaduna garaadkay korisaa, garashaday balaadhisaa, fahankay dhistaa, macaamilada dadka ayey ku bartaa, wixii wanaagsan iyo waxa xun ayey ku kala tustaa laakiin marka uu qofku yahay jaahil isaga iyo xayawaanka waxba uma dhaxeeyaan.”

Agaasime Muuse Maxamed Shide oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay muhiimada ay leeyihiin xirfadaha kala duwan ee ardaydan la baray waxaanu yidhi "Aad ayaan ugu faraxsanahay in ardaydan la baro xirfadaha ay ka midka yihiin sida dharka loo midabeeyo iyada oo laga tagayo dadka is midabaynaya, waxaanan leeyahay waa wax weyn oo soo kordhay, inta baratay dawaarka, inta baratay xinaha, inta baratay qurxinta iyo inta baratay cuntadaba shaqo weyn oo loo baahan yahay ayaa u soo korodhay.” Ayuu yidhi agaasime Muuse Maxamed Shide.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah macalimiinta ardaydan wax soo baray kuwaas oo u hambalyeeyey guud ahaanba ardayda ka qalin jabisay waxbarashada xirfadaha kala duwan ee uu hir geliyey ururka Soyda.

Dhinaca kale xubno ku hadlayey afka ardayda oo iyaguna munaasibadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey masuuliyiinta ururka Soyda iyo macalimiintii wax soo bartay, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka faa,iidaystaan waxbarashada ay ka heleen ururka Soyda.