Fanaanad Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Xubno Wehelinaya Oo Ka Degay Muqdisho Iyo Wasiir Qaabishay Oo 1-da July Ku Halqabsatay

Sunday June 30, 2019 - 15:58:38 in Latest News by Abdirasaq Gooth Nuur
  • Visits: 2072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanad Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Xubno Wehelinaya Oo Ka Degay Muqdisho Iyo Wasiir Qaabishay Oo 1-da July Ku Halqabsatay

    Maxay Tahay Ujeedada Ay U Tageen caasimada Soomaaliya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Ujeedada Ay U Tageen caasimada Soomaaliya?


Hargeysa(HWN):-fanaaniin reer somaliland ah oo ay weheliyaan xubno kale ayaa ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada somaliland.

Sida ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ahi, fanaanada Barwaaqo Qalanjo oo ka tirsan kooxda fanka ee xidigaha Geeska oo saldhigoodu yahay somaliland, fanaanada kale ee Xamda Qaali iyo wiilkii ku labistay dharka ka samaysan calanka soomaaliya ee dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa oo lagu magacaaboCabdiraxmaan Maxamed Cali "Aar” ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo aanay cadayn ujeedada ay u tageen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in sadexdaas xubnood ay weheliyaan laba fanaan oo kale kuwaas oo lagu kala magacaabo Saalax Carab oo gudoomiye ka ah kooxda Xidigaha Gayiga oo ka dhisan magaalada Hargeysa iyo Khaalid Kaamil isna ka tirsan kooxdaas.



Fanaanada Barwaaqo Qalanjo iyo xubnaha wehelinaya ayaan dhinacooda ilaa hada ka hadal safarka ay ku tageen Muqdisho iyo ujeedada ka dambaysa.


Dhinaca kale gudoomiyaha kooxda Xidigaha Geeska Maxamed Axmed Bakaal Ciro oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino ujeedada ay fanaanada Barwaaqo Qalanjo ku tagtay Muqdisho maadaama oo ay ka tirsan tahay kooxda Xidigaha Geeska oo u diwaan gashan dawladda somaliland oo ay mushahar ka qaataan ayaanay noo suura gelin.


Image may contain: 3 people, people smiling

Safarka fanaanadan ka tirsan kooxda xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay caasimada somaliland iyo kooxdan wehelinaysa ayaa ku soo beegmaya wakhti ay meel xasaasiya marayaan aragtiyaha ay iskaga soo horjeedaan dhalinyarada somaliland iyo soomaaliya.


Dhinaca kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qaabishay kooxdan fanaaniinta ah ee Hargeysa ka tagtay iyada oo fariin ay ku baahisay bogeeda Facebook halku dhag uga dhigtay xuska 1-da July oo ku suntan wakhtigii ay luntay dawladnimadii ay somaliland ka heshay Ingiriiska.

Loading...