Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder Oo Tartan Ciyaareed Ay U Qabatay Ardayda Jaamacadda Soo Gaba-Gabaysa

Sunday July 28, 2019 - 14:43:32 in Latest News by Geele Mr
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder Oo Tartan Ciyaareed Ay U Qabatay Ardayda Jaamacadda Soo Gaba-Gabaysa

    Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder Oo Tartan Ciyaareed Ay U Qabatay Ardayda Jaamacadda Soo Gaba-Gabaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder Oo Tartan Ciyaareed Ay U Qabatay Ardayda Jaamacadda Soo Gaba-Gabaysa



Hargaysa(HWN)Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder ayaa tartan Ciyaareed u Socday Arday Jaamacadda Beder Ku Soo Gaba-Gabaysay Shalay Magaaladda Hargaysa.


Munaasibad Balaadhan oo loo sameyay Labadii Kooxood ee iskugu soo hadhay oo kala ahaa Bangiyadda Islamiga ah iyo Shareecadda ayaa Ciyaar aad u qurux badan ku soo bandhigay garoonka kuwaas oo labada Kooxoodba soo Bandhigeen Ciyaar Wanaag.



Tartanka ay Jaamacadda Beder Qabatay ayaa waxa uu ku bilaabmay Afar iyo Toban Kooxood oo ahaa dhamaantood ardayda dhigata fakaladda kala duwan ee jaamacadda beder.


Tartanada ay Jaamacadda beder u qabanayso Ardayda Jaamacadda ayaa waxa ay uga Gon Leedahay sidii ay Ardayda Jidh Ahaan,Aqoon Ahaan Iyo Cilmi ahaamba Uga Dhisi lahayd.

Ugu Horayn waxa Munaasibada Furay Mukhtaar Ibraahim Batuun oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaamacadda Caalamiga ah Ee Beder waxaana uu faah-faahin Ka Bixiyay Ujeedada ay jaamacadu ka leedahay tartanadda ay u qabanayso Ardayda Dhigata Jaamacadda Waxaana uu yidhi,.

"Maanta waxaynu halkan ku soo gaba-gabaynaynaa Tartan Ciyaareed loo qabtay Ardayda Jaamacadda Caalamiga ah ee beder kaas oo soo maray marxalado kala duwan waxaanu ku bilaabmay afar iyo toban kooxood,maantana waxa aynu halkan u joognaa in aynu koobka Guddoon siino kooxdii hanata Koobka.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.ā€¯ujeedada ugu wayn ee jaamacaddani koobkan u qabanaysaa waxa weeyi in lagu xoojifirfircoonida ardayda isla markaasina ay ardaydu isku dhex galaan,waxaanu kooxdii guulaystay u rajaynaynaa in ay mararka kalena guulaystaa kuwa laga guulaystana waxaanu leenahay idinkuna mar kale ayaad guulaysan doontaan.

Mukhtaar ibraahin ayaa ardayday jaamacadda beder ku amaanay in ay Muujiyen Akhlaaq iyo ciyaar wanaag mudadii ay Ciyaartu socota,waxaana uu sidoo kale tilmaamay in jaamacadda beder ay u taagan tahay in ay markasta ka jawaabtu baahiya Ardayda.

Gaba-gabadii waxa Koobkii la Guddoonsiiyay kooxda Ku Ciyaaraysa Magaca Bangiyadda Islaamka ah oo Afar iyo Saddex Gool kaga badisay Kooxda Kale ee Shareecadda,waxaana sidoo kale madasha lagu bixiyay Bilado.

Kooxda Kale ee shareecadda oo iyaguna galay kaalinta 2aad ayaa waxa la siiyay koob yar oo ka turjumaya in ay yihiin kooxdii gashay kaalinta 2aad,waxaana sidoo kale la bixiyay ciyaar yahankii ugu goolasha badnaa iyo kii ugu akhlaaqda wanaagsanaa mudadii ay ciyaarahu socdeen.

Jaamacadda Caalamiga ah ee beder ayaa Markasta Ardaydooda u qabta Tartanado iskugu jira Mid Gabayo ah,ciyaaro iyo qaar kale oo kor loogu qaadayo Aqoonta Ardayda.


Loading...