Maansada Mudduci ee Abwaan Weedhsame oo Noqotay Mid Quluubta Shacbiga Somaliland Gilgishay, Madaxweyne Siilaanyo-na Taariikhda u Galaysa

Saturday March 11, 2017 - 10:53:53 in Latest News by Abdirahman Sheekh
  • Visits: 6064
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Maansada Mudduci ee Abwaan Weedhsame oo Noqotay Mid Quluubta Shacbiga Somaliland Gilgishay, Madaxweyne Siilaanyo-na Taariikhda u Galaysa

    Hargeysa(HWN)- Abwaan caanka ah ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah foolaadka hal-abuurka jiilka cusub ee Somaliland, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)- Abwaan caanka ah ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah foolaadka hal-abuurka jiilka cusub ee Somaliland, ayaa

maanso qaro weyn oo la magac baxday "MUDUCIā€, kaga gilgishay Hoggaan xumadda dawladda Madaxweyne Siilaanyo oo uu toosh ileys weyn ku iftiimiyay musuqmaasuqa baahsan ee naafeeyay dalka.

Abwaanku waxa kaloo uu sawir la yaableh ka bixiyay hungada shacbigu ka qaadeen talada madaxweyne Siilaanyo iyo sida uu u qiimo tiray haybadii dawladnimo isla markaana tafaraaruq ugu horseeday bulshadii gacantooda ku cugatay.

Abwaan Weedhsame waxa uu maansadiisan cusub oo uu si farshaxanimo leh uga maansooday fikirka dadweynuhu ka qabaan wacdiga dalka ka jira.

Abwaanku waxa maansadan qeybteeda hore uu ummadda dareen siiyay guul-darrada ay ka joogaan goleyaasha Baarlamaanka oo shacbigii ay wakiika ka ahaayeen ka doorbiday inay ka muraadsadaan mansabkii ummadu saartay. Waxa uu xasuusiyay dibitaatiyada goleyaasha baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida) inay baal mareen dhaartii iyo kitaabkii gacanta loo saaray markii loo doortay xilalka qaranka ee ay tuurta saarteen.

Maansadani waxay noqonaysaa mid taariikhiya, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo uu saami u helay in loo tiriyo maansadii ugu dhaliisha weynayd ee shacbigu ka tirsado hoggaamintiisa tuurta leh.

Haddaba, waxaanu jeclaanay inaanu shacbiga Somaliland mar labaad u baahinno maansadan oo si dhab ah u faaleysay wixii dhacay iyo sida loogu kala shaqeystay awoodii dawladnimo ee madaxweynaha loo doortay.